Tusmo

print
gareyso ama u dir qof kale

Tarbiyada caruurta

Intaan gudaha arinkan gelin iyo manhajka
Ilaahay ugu talagalay tarbiyada ciyaalka
kahor waxaan jeclahay inaan tilmaamo dhowr
arimood. Mowduucan waxaan u doortay markaan
u fiirsaday dhaqanka reertolkeey waa soomalide
wax badana aan raacraacay xaaladooda iyo
dhaqankooda, waxaan ogaadey iney ka dhacsanyihiin
intooda badan, waxaase kasii daran intaas
oo idil, masuuliyada ladayacay inaan lagu
baraarugsaneen, in khalad lagalay iyo in
masuuliyad weyn ladayacay. Dhowr su,aalood
oo kaliya ayaa la is waydiiyaa 1. ilmihii
manoolyahay 2.ma caaafimaad qabaa 3. labaan
iyo lix malagaarey 4. lacagtii cayrta masooo
dhacday. Intaas hadey u hirgashona waa faraxsanyihiin
hadii kalena oo aysan u hirgelinna dhibaato
ayaa wejigiisa ka muuqata. Hadaba waxaa
iswaydiin leh arimahaasi mayihiin kuwa lagu
badbaado adigaan ku waydiiyey, intaadan
kajawaabina anigaa kaa boobay oo kuleh maya.
Caruurtu waa hadiyad Alle ugu deeqo qofkuu
rabo, Allena wuxuu ku yiri quraanka (cirka
iyo dhulka Ilaah ayaa leh, wuxuu rabona
wuu abuuraa cidduu rabo dhadig ayuu siiyaa
cidduu rabana lab ayuu siiyaa ama cidduu
rabo waa isugu qasaa lab iyo dhedig, cidduu
rabona madhaleyso ayuu ka dhigaa waa cilmi
badane awood badane ah). Aayadaas waxaan
ka fahmeynaa qaalinimada caruurta iyo inaan
lagu heli karin guursi badan iyo siyaabo
badan oo waxyaalo kale lagu heli karo. Muhiimka
caruurta hal iyo laba maqaal midna laguma
soo koobi karo, nabi nabiyaasha Alle kamid
ah ayaa Alle kabaryey inuusan caruur la,aan
dhigin, wuxuuna ku duceestay (Ilaahow kalinimo
ha,iiga tegin inta wax dhaxasha adigaa ugu
kheer badane), nabi kale ayaa wuxuu yiri
(Ilaahow agtaada iiga hibeey caruur wanaagsan
adigu waxaad tahay midka maqla ducada).

Waxyaalahaas oodhan waxaan usoo qaatay
inaan idin dareensiiyo muhiimmada ey leeyihiin
iyo sida la isku amray in lagu dadaalo tarbiyadooda
ilmaha. Caruurta iyo waalidka xiriirka ka
dhexeeya waa qota dheeryahay waxaana diintu
na amartay si loohelo ilmo wanaagsan in
hooyo wanaagsan oo diin leh la doorto, haddii
aan lahelin arinkan oo ah midka koowaad
ah, ama waxa dhan midka ugu muhiimsan waxyaalaha
kadanbeeya oodhan hagaajintoodu dhib ayey
noqoneysaa, haddii kan lehelo intakalena
way hagaagtey. Toosinta ilmaha waxay bilaabataa,
markuu ilmaha soo gaaro hal sano, toosintuna
ma aha ookaliya waxaan sameey ama waxaan
dhaaf laakiin waa iney helaan waxay kudaydaan
ama labada waalid usuubadyihiin in lagudayado
una tababaranyihiin gaar ahaan odayga, laakiin
hadii odayga uu khilaafsanyahay waxyaalaha
uu amraayo ilmihiisa waxba ka imaan maayaan
ee yaanu is daalin. Ilmaha caasiyaalka marka
arimahooda la raacraacay waxaa la ogaaday,
in waalidku Alle kucaasi garoobey, caasinimada
ilmuhuna ey tahay abaalmarintii katimid
wuxuu Alle kula dhaqmay, waxaa kaloo la
arkaa in waalidku qalday habka tarbiyada
sababtoo ah wax walba meel lagabilaabo ayey
leeyihiin, waxaana wanaagsan intaan qofku
jeebkiisa toosin ama tarabiya kalifin inuu
waxwalba diinta usoo celiyo si aan khaladka
udhicin, lugta danbe hadii aysan dhaafin
lugta hore jabniin mayimaado. Qof walba
ee raba inuu wax toosiyo waa inuu hortiisa
keenaa dardaarankii sayidanaa Cumar bin
Khaddaab, hooyo noqo ama aabe kaad rabto,
arinka koowaad waa iney aabayaashu joogteeyaan
lajoogitaanka caruurta intey yaryihiin.
Shaki kuma jiro qofkastana waa arkaa zabaankan
in fitantu badantahay, sababaha umadaha
lagudumiyana way badanyihiin, waxaad rabtana
ku magacaab, dagaalka ugu weyn waxaa lagu
hayaa caruurta. Sidaa daraadeed dardaarankaan
Cumar in la aqriyo oo kaliya kuma filna,
laakiin waa in lagu tadaburaa sababtoo ah
nacfi badan ayaa kujira, qofkii kudadaalana
waa lahubaa inuu macalinimadiisa ku najaxayo.

Cumar isagoo dardaarankiisi bilaabay wuxuu
yiri, ilmahaada todoba kuladheel, 7 sano
ugu horeyso la dheel halka sano ugu horeyso
dhabta hooyada ayuu saaranyahay,sanadkaas
cayaari majirto, sanadka labaad markuu galo
wuu guurguuranayaa inuu istaago ayuuna isku
dayayaa, wuu soconayaa wuu ordayaa, howshaasi
inta ay dhaceyso waa inaad ladheeshaa oo
aad diyaar unaqotaa wuxuu ilmaha sameeyo
inaad lasameeso. Arinkaasi sharafta waxba
uma dhimayso, haddii sidaasi qalbiga kaagasho
waxaad ogaataa in mid kaashafbadan kaa akhlaaq
badan caruurtiisu owr ka dhiganayeen. Rasuulka
scw wuxuu ahaa mid cayaarsiiya wiilashiisa
xasan iyo xuseen, wuxuu ahaa kii yiraahda
markey ka koraan (owr waxaa ugu kheer badan
owrkiinna, laba isu dheelis tirana idinkaa
ugu wanaagsan). Illaa todobo sano haduu
waalidku ladheelo ilmihiisa halkaas waxaa
kabeermaya jacayl ilmuhu jeclaado waalidkiis,
qalbiga ilmuhuna wuxuu ku xirmayaa waalidkiis.

Edbi todobo sano, waalidka waa inuu edbiyaa
ilmihiisa todobo sano ilaa iyo afar iyo
toban, qalbigiisana uu ka buuxiyaa cilmiyaasha
kala duwan, sifooyinka dhameystiran waa
inuu xafidsiiyaa kitaabka Alle wixii uga
suura galo, sidoo kale wixii uga suurto
gasho sunnada rasuulka scw, sidoo kale sida
uu isu difaaci lahaa iyo ixtiraamida dadka
iyo waxyaalaha kaleba. Hadaba ilmuhu markuu
soo gaaro da�da 15 sano wax walba oo waalidku
kula taliyo wuu qaadanayaa madaama aad soo
dhistay soona tarbiyeysay markuu jiray 7
sano. Todobadii sano ugu horeysay ayaa qalbigiisa
jaceelka waalidka degay waa mirahii uu waalidku
abuuraye. 15 sano maalinta uusoo gaaro ayuu
galayaa wakhtigii ugu dhibka badnaa. Dhalinyaranimada
waxaa la yiraahdaa sinnulmuraahiqah ama
wakhtiga qaangaarka. Maalinta uusoo gaaro
da�daas inaad la cayaarto wax tarimeyso
iyo inaad wax barasho kula dadaasho adigoo
ka warqabin.

Cumar wuxuu leeyahay markuu soo gaaro wakhtigaan
ilmaha lasaaxiib illaa uu ka gaaro 21 sano,
waana inaadaan kala faaruqin hadaad masjidka
joogto waa inuu kula joogaa, hadaad guriga
joogto waa inuu kula joogaa, hadaad socoto
waa inuu kula socdaa markaas waa mid adiga
kugu xiran. Noloshiisa waa inay kuxirnaataa
noolashaada, adigoo kabaqaya in uu kaa gacan
baxo. Waxaadna ogaataa marwalba oo aan ishaadu
hayn ilmahaada ogow il kale ayaa lagu hayaa.
Haddii aad ismoogeysiiso ama sahlato sida
waalid badan lagu arkay, waxaad kutalagashaa
in jinni iyo insi cidwalba iney ilmahaada
si sahlan ku qaadan karaan. Haduu gaaro
21 noloshiisa oodhanna aad isla soo qaadateen,
maraad cayaareyseen maraad xambaareesay
iyo maraad saaxiib ahaydeen. Wakhtigan meeshuu
rabo ayuu kabixi karaa sababtoo ah waa qof
lagu kalsoonyahay boqolkiiba boqol. Wuxuuna
soo baxayaa adigoo kale ama koobigaaga,
marwalbana waa midka ku buuxiya. Hadana
maxaa kawanaagsan mar haddii ilmahaadu yahay
koobigaada, hadaad nooshahay waa ku garabtaaganyahay
hadaad dhimatona booskaada ayuu taaganyahay
waana kuusoo duceenayaa. Hadaba su,aashu
waxay tahay, maxaan u hilmaamnay nidaamkan
dahabiga ah?. Dardaarankan cumar kadib,
waxaa laga yaabaa in maskaxdeena kusoo dagto
su,aal oraneysa waxaa la tilmaamay in marwalba
leysla socdo, ee sacada ilmuhu iskoolka
uu dhiganaayo sideen isula soconeynaa?.
Jawaabtu waxay noqoneysaa haddii aad marwalba
intuusan bixin aad wanaag udardaaranto kuna
boorido kheyrka, ilmo caadi ah maad dirin
ee balse waxaad dirtay cunug daaci ah dadkana
kheyrka u tilmaama , iskuulkana waa ka daaci
wuxuuna noqonayaa mid lagu daydo oo tusaale
u noqdo kuwa kale. Hadaba waalidka waxaan
ku leenahay waa qofkee midka kuladhaqma
ilmihiisa sidaas?. Waxyaalaha laga tiiraanyooodo
waxaa kamid ah inaad aragto aabe ilmihiisa
lajecel wanaaga islamarkaasna isaga ka qadsan
wanaag oodhan. Aabayaasha masuuliyad kabadan
midda hooyada ayaa ka saran ilmaha. Masuuliyadii
waxay kusoo aruurtay in la is waydiiyo ilmihii
masoo hoydeen.

Sedaxdii qodob ee muhiimka ahaa waxaan
arkaa in sedaxda qayboodba soomalidu kufashilmeen
intooda badan, waliba qaybta ugu horeysa,
waana wakhtiga loo baahanyahay in ilmaha
toos Alle iyo rasuulkiisa scw loogu xiro.
Loona sheego markuu hadal soogaaro in Alle
abuuray, raashiinkana Alle nasiiyay,xittaa
markaad nacna siineyso inaad tiraahdaa aniga
waa la igu kaa soo dhiibaye Allaa kusiiyay,
islamarkaana Alle ayaa qalbigiisa kuweynaanayo.
Markuu garaad yeeshona Alle awaamirtiisa
si fudud ayuu u qaadanyaa waana kahaybeysanayaa.
Laakiiin ilma aan loo sheegin yaraantiisi
in Alle jiro abuuraynna, way adagtahay sida
uu ku qaadan lahaa amar kayimi xagga Allaah,
qalbigiisana waxaa kusoo degdagayo waa maxay
Ilaahan hadda lasheegayo.Wuxuuna istusayaa
madaama uu kasoo maarmay yaraantiisi iyo
markuu xooga yaraa hadana uu weynaaday xoogna
yeeshay inuusan cidna ubaahneyn. Fikirka
noocaas ah waxa karatibna waa waxaan ciribtooda
danbe lamahadin doonin.

Hadaan soo qaadano tusaale kamid ah tusaalooyinka
tarbiyada wanaagsan. Waxaa laga hayaa Cumar
binu Cabdulcasiis, wuxuu ahaa mid markuu
tukado salaada subax isagoo waliba ahaa
imaamka muslimiinta iyo khaliifkooda, gurigiisa
ayuu kusoo laaban jiray markaasuu kulmin
jiray dumarkiisa iyo caruurtiisa. Markaasuu
lafariisan jiray iyagoo akhrinaya Quraanka
isla markaana ooyaya, illaa layiri qofkii
ugala markaas wuxuu u maleen jiray in cid
ay ka dhimatay sida ay quraanka ugu tadaburayaan
awgeed. Tusaalahaa iyo tarbiyadeenna bal
is barbardhiga, cirka iyo dhulka intey isku
jiraan oo kale ayey isu jiraan. Hadaba kutalagal
waalidow beerkasta sida loo abuuro ayey
kusoo baxdaa. Wixii lagu abuurana way ka
dhashaan, tiintiin intaad beerto hasugin
inaad gurato timir. Aabayaalka qaarkood
ilmaha ayey ka buriyaan guriga, haddii uu
fulin waayo amarkiisa ama uu jidka wanaagsan
ku toosnaan waayo, waa intaasuu ku edab
qaataaye. Laga yaabaa in waxyaalo xun oo
uu ilmahu sameeyo waalidka sabab uyahay
islamarkaana ay tahay mira kadhashay wuxuu
talaalay. Ilmaha oo guriga laga eryaana
waxay macnaheedu yahay, kaalaya bahalahow
cuna illeyn banaankaad udhigtaye, adigaan
kuwaydiiyaye aabow saas matahay jidka toosnaanta
lagu gaaro?. Jawaabteydu wey gaabantahay
waa maya, waxaadna raadisaa jidkale oo aad
ku badbaadiso ilmahaada. Allena kaalmeyso
marka koowaad kadibna culimada kadib dadka
wanwanaagsan latasho. Intaas aan soo sheegnay
ulakaalmeyso iiguna duceeya dheh waxaa lagayaabaa
in Ilaah sababtooda kuhanuuniye. Ilaahay
waxaan weydiisaneynaa subxaanahuu watacaalaa
inuu indhaheenna ugu raaxeeyo toosnaanta
ilmaheenna, waxaan kaloo weydiisaneynaa
inuu anaga iyo iyaga fitanta naga ilaaliyo
mideeda muuqata iyo mideeda qarsoon. Waxaa
soo diyaariyey kii faqiirka u ahaa rabbigiisa
Shiikhow, wallahu waliyuttowfiiq wasallalaahu
calaa Muxammed wa calaa aali Muxammadin
wasaxbihii ajmaciin.

Qore Macalin Sheekhow

madaxa waaxda dacwadda

Markazka Alhuda

Helsinki, Finland

www.markazhudaa.com
   

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *